Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo heshiis dhinaca gaaska iyo saliida la saxiixatay dalka…

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee XFS Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa heshiis iskaashi oo ku saabsan ka faa’iideysiga saliidda iyo gaaska la saxiixday Wasiirka Tamarta ee dalka Azerbaijan Mudane Parviz Shahbazov.

Wasiir Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in heshiiska uu la galay dhigiisa dalka Azebijian muhiimad weyn u leeyahay dalkeenna, waxa uuna xusay in heshiiskan is-afgaradka ah laga shaqeenayo sidii uu u noqon lahaa miro-dhal.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan heshiis is-faham la saxiixday H.E. Parviz Shahbazov, Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan, si loo xoojiyo iskaashiga qaybta saliidda & gaaska ee nagala dhaxeeya Azerbijan” ayuu yiri Wasiirka Macdanta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan tagay dalka Azerbijian , ayaa heshiisyo dhinacyo kala duwan ah la saxiixday dowladda dalkaasi, heshiisyadaasi ayaana la filayaa in labada dhinacbo ay dhaqan geliyaan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khamri tiro badan oo maanta lagu bur buriyay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Isbitaalka Dalmar oo indho fiiqis & daweyn bilaash ah u sameynaya kumanaan qof

Caydiid Ali

Xiliga uu furmayo tartanka K/Cagta dowlad goboleedyada oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---