Wasiirka Arimaha Gudaha oo faah faahiyay Habraaca Doorashooyinka ay soo bandhigeen

Wasiirka Arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay habraaca doorashooyinka maamul goboleedyada ay soo saartay Wasaarada Arimaha Gudaha.

Habraacan Doorashooyinka ee soo saartay Wasaarada Arimaha gudaha waxaa durba ka hor yimid qaar kamid ah maamul goboleedyada ,kuwaa oo sheegay in Wasaarada arimaha gudaha aysan shaqo ku laheyn habraaca doorashooyinka.

Cabdi Maxamed Sebriye Wasiirka Arimaha gudaha ayaa sheegay in habraacan doorashooyinka ay hada soo bandhigeen uu yahay midkii horey loogu shaqeenayay, waxa uu tilmaamay in kaliya hada bulshada usoo bandhigeen.

“Wax hadda cusub oo aan soo saarnay ma jiraan, waxaan go-aansanay uun in aan soo dhigno shacabka hortiisa system-kii (nidaamkii) awalba lagu dhaqmaayay, ma jiro runtii hal qodobna allaha ka dhigee 27-ka qodob ee aan soo bandhignay qodob ku cusub”.Ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Waxa uu sheegay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya in ay diyaar u yihiin in ay la fadhiistaan kana qanciyaan cid kasta oo cabasho ka qabta habraaca doorashooyinka ay soo saartay Wasaarada Arimaha Gudaha.

“Wasaaradda arimaha gudaha guud ahaan dalkaan Dimuquraadiyeytiisa, iyo Fedraaleyntiisa mas’uuliyadooda guud, iyadaa iska leh, Wasaaradu kaalinbeey leedahay Dowlad goboleedkuna kaalinbeey leedahay mana ku fara galindoono kaalintooda, Waxaana diyaar u nahay in aan kala fariisano cid kasta oo cabasha ka qabta Habraaca aan soo saarnay ee loo marayo Doorashooyinka Dowlad goboleedyada”. ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ay kasoo horjeesteen habraaca doorashooyinka ay shalay soo bandhigtay Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -