Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xeer Illaaliyihii Mareykanka oo Is casilaya iyo Sababaha soo dedejiyay oo la ogaaday

Xeer illaaliyihii guud ee dalka Maraykanka William Barr, ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilayo, saacado kadib markii Dowlad Gobaleedyada dalka Maraykanka ansixiyeen guusha Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u magacaabay William Barr, oo kamid ahaa xagjiriinta aadka ugu dhaw in uu noqdo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Mareykanka, hasa ahaatee labada masuul ayaa dhawaan isku xumaaday.

Xiriirkii ka dhaxeeyay Madaxweyne Donald Trump iyo Xeer Ilaaliye Barr ayaa sii xumaaday dhawaan kadib markii xeer ilaaliyaha dhawaan shaaciyay in aysan jirin cadeemo muujinaya in doorashada lagu shubtay , waxaana talaabadaasi ka carooday Madaxweyne Trump.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter ku shaaciyey in Xeer illaaliyaha xilka ka degayo dhamaadka bishan, waxa uuna warkan shaaciyay waxyar kadib markii Madaxweyne Joe Biden loo ansixiyay natiijada doorashadii uu kusoo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo xilal u magacaabaya xubno mayal adag oo u ololeeyay

Cabdi Cade

Israel oo War ka soo saartay dilkii Ismacil haniya

Caydiid Ali

Xog ku aadan sida uu u dhacay Dilka Gudoomiyihii degmada Hodan iyo Saraakiisha loo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---