Qarax caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa caawa ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kaasoo geystay khasaare nafeed sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan uu dhacay ka dib markii rag hubeysan ay bam gacmeed ku weerareen saldhiga Booliska ciidanka Puntland ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo

Ugu yaraan saddex qof oo iskugu jira laba askari iyo qof shacab ah ayaa dhaawac ka soo gaaray bam-gacmeedka caawa lagu weeraray saldhiga magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Puntland.

Ragga bamka tuuray ayaa baxsaday, iyadoo dadkii dhaawacmay loola cararay isbitaalka Gaalkacyo oo haatan xaaladooda lagula tacaalayo.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa qaraxa ka dib howlgalo baaritaan ah ka bilaabay xaafado ku yaalla woqoyiga Gaalkacyo oo lagu tuhunsan yahay iney galeen kooxihii bamka tuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -