Qarax goor dhow ka dhacay guri ku yaalla Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa caawa fiidnimnadii ka dhex dhacay guri ku yaalla xaafada Oodweyne oo ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho  sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxu uu ka kacay gaari dhex yiilay guriga, iyadoo aan la ogeyn in qaraxaas uu ahaa mid gaariga loogu xiray qofkii lahaa iyo in loo diyaarinayey weerar ismiidaamin ah.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa daqiiqado ka dib gaaray guriga qaraxu ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadu ay guriga ka heleen labo qori oo Ak-47 ah iyo waxyaabo kale.

Labo qof oo kala ahaa nin iyo ilmo yar ayaa ku dhaawacmay qaraxan, iyadoo xubno ka tirsan qoyska guriga degan ay ciidamada u sheegeen in gaariga qarxay uu lahaa oday nabadoon ah.

Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka degmada Dayniile ayaa sidoo kale gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay oo ay xireen ciidamada amniga ee baaritaanada wada.

Qaraxan ayaa ku soo aaday xili maanta qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu hoobtay ay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo, kuwaasoo ay ku naf waayeen dadka badan 30 qof, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -