Jaaliyada Soomaalida Zwolle [Nederlands] oo munaasabad gaar ah u sameysay Ciidul-adxa

Munaasabad lagu maamuusayay  fadliga & kheyrka ay xambaarsan tahay  ciidul-adxa, ayna soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Zwolle & Magaalooyinka ku dhowdhow ayaa maanta lagu qabtay Magaaladaasi. 

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle C/qaadir Cali [Nuune] oo dhinaca kalena ah Guddoomiye ku-xigeenka dalladda ay ku middeysan yihiin ururada Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN, oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa ugu horreeyn u mahadceliyay qoysaska Soomaalida ah ee ku dhaqan Zwolle & nawaaxigeeda sida ay mar walba u ilaaliyaan midnimada & wadajirka dhexdooda ah, isaga oo dhinaca kalen xusay in Zwolle ey tahay Magaalo dadka Soomaalida ah ee deggan ay tusaale u noqon karaan mushtamacyada kale ee Soomaalida ah ee ku dhaqan Nederlands. 

 “Maalmahan barakaysani waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna.. dadka  Muslimiinta ah ee soo  gudatey acmaasha Xajka ee sannadkan waxaan ALLE uga baryayaa inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan. Xajku waa tiir weyn oo ka mid ah tiirarka ay ku taagan tahay diinteennu, ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ALE uga baryayaa midnimo, dowladnimo & in ALLE uu quluubtooda burcad isu-mariyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda C/qaadir Cali [Nuune], isaga oo dhinaca kalena u mahadceliyay hooyooyinkii & walaalihii kale ee isku xilsaaray in ay raashin macaan oo kala ceyn ah u soo diyaariyaan Jaaliyada munaasabadan qiimaha badan darteed.

Nuune, mar uu ka hadlayay qiimaha midnimadu u leedahay Soomaalida, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dadka Soomaalida ee deggan Zwolle yihiin dad ka kala yimid cirifyada Soomaaliya & meelo kale oo dunidda ah, haddana uu ALLE ku kulmiyay halkan [Zwolle & nawaaxigeeda] ayna ka middeysan yihiin in iyaga oo isku hadaf ah ay wax la qeybsadaan mushtamacyada kale ee dalkan ku dhaqan, si ay u helaan xuquuqda ay dalkan ku leeyihiin, iyaga oo buu yiri dhinaca kale na ilaalinaya sharafta & karaamada dalkooda & dadkooda.

 “Mushtamaca Soomaalida ee deggan Zwolle & Magaalooyinka ku dhowdhow waxeey mar walba caan ku yihiin in ay tusaale wanaagsan u noqdaan mushtamacyada kale ee Soomaalida ah ee ku dhaqan Magaalooyinka kale. Anigoo fursadan ka faa’’iideysanaya waxaan u mahadcelinayaa hooyooyinkii & walaalihii inoo soo qidmeeyay ee raashinkan caynba-caynka ah inoo keenay waxaan leeyahay waqtigiina & xoogiina ALLAHA idinka ajar siiyo” Ayuu yiri C/qaadir Nuune. 

Guddoomiyaha Jaaliyada Zwolle  & nawaaxigeeda waxaa kale uu sheegay in dalladda FSAN oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 56 ururo Soomaaliyeed ah in  sannadkan ay go’aamisay in Magaalada Zwolle ay martigeliso xuska & dabaaldaga munaasabadda 1-da Luuliyo oo ah munaasabad ku weyn quluubta ummadda Soomaaliyeed. 

 “1-da Luulyo, waa maalintii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka qaateen xornimada gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay la midoobeen gobollada Waqooyiga. Sannadkan Zwolle waxeey dusha u ridatay in ay qabato xaflad lagu maamuusayo 1-da Luuliyo” Ayuu yiri C/qaadir Nuune.

Xafladdan oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay waxaa kale oo kelmado qiimo badan ka jeediyay qaar ka mid ah hormuudka Jaaliyada Zwolle, waxaanna dadkii ka soo qeybgalay ay dhammaantood si wadajir ah ugu duceeyeen ummadda Soomaaliyeed inuu ILLAAHEEY culeyska ka qaado.

 

- Advertisement -