Senator Faroole oo eedeymo culus ku weeraray Mas’uuliyiinta dowlada Somalia

Senaror Cabdiraxmaan Shiikh Max’ed (Faroole) oo horeyna mar u soo noqday Madaxweynaha Puntland ayaa si kulul u weeraray hab dhaqanka xukuumada federaalka Somalia ee ku aadan dowlad goboleedyada.

Faroole ayaa kashifay faragelintii ay Madaxtooyada Soomaaliya ku sameysay doorashadii Puntland ee Janaayo 2019, wuxuuna weerar ku qaaday hoggaanka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee dowladda Soomaaliya.

Isagoo maanta ka hadalyey magaalada Garoowe, kadib markii uu soo dhaweeyay senataro ka tirsan aqalka sare oo kasoo jeeda Puntland ayuu xukuumadda Federaalka ku eedeeyay inay faragelin ku heyso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad shacab ah.

Faroole ayaa sheegay in Villa Somalia ay ku fashilantay faragelintii ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Puntland, isagoo sheegay inay lacago badan ku bixisay murashaxiinta qaarkood oo ay wadatay balse ay guul dareysteen.

Wuxuu intaasi ku daray in weli xukuumadda Federaalku ay sii wado faragelinta dowlad goboleedyada, ayna ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay maamulka Jubaland.

Wuxuu kaloo Villa Somalia ku eedeeyay, inay furfurid iyo kala qeybin ku heyso, labada aqal ee Baarlamaannada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo sida uu sheegay ay shirar iyo kulamo abaabulan laga dhex sameeyay.

Faroole ayaa sheegay in la marin habaabiyey Dastuurkii KMG ahaa, dalkuna aanu haatan wax Dastuura lahayn.

“Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldan yahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah maadxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuurka oo maanta jiraana ma jiro illaa hadda” ayuu yiri Faroole oo hadalkiisu ku soo beegmay xili dowlada federaalku ay culeysyo siyaasadeed kala kulmeyso siyaasiyiinta iyo xisbiyada Mucaaradka oo eedeymo culus u jeedinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -