Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo caawa Mar kale ka dhacay Buuraha Calmiskaad

Duqeymo aad u culus ayaa caawa lagu garaacay Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaalo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo xoogaga Daacish

Duqeymahaan ayaa lala eegtay dhowr xarumood oo ay Daacish la hayaaeen oo mid kamid shir uga socday Saraakiisha Kooxdaan ugu sar saraysa sida laga soo xigtay ilo Sirdoon.

Degaanka Saraakiisha lagula eegtay duqeymaha ayaa ah goob istaraatiiji ah kuwaasoo udub dhexaad u ah Calmiskaad.

Tiro ka badan 10 ayaa lagu dilay halkaasi waxaana ku dhaawacmay qaar kale oo aan tiradooda la sheegin.

Puntland ayaa sheegtay in duqeyntaas lagu dilay 11 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish, ayna fuliyeen dayuuradaha Imaaraatka

Related posts

RW Khayre oo galabta lagu soo dhoweeyey degaanada Huurshe & Xeraale (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Guddi loo saaray xalinta khilaafka Madaxweyne Qoor-qoor iyo Saraakiisha Beesha Ceyr

Caydiid Ali

Shirkadda Facebook oo soo saartay shuruuc iyo qawaaniin cusub oo la xiriira xad gudubka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---