RW Khayre oo galabta lagu soo dhoweeyey degaanada Huurshe & Xeraale (Daawo Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Caabuudwaaq ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay deegaanka Huurshe iyo magaalada Xeraale ee gobalka Galgduuud.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo kusoo hor maray deegaanka Huurshe ayaa waxa uu dadwaynaha soo dhawaynayay kula hadlay meel fagaare ah.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa soo dhawaynta Huurshe kadib waxa uu gaaray magaalada Xeraale halkaas oo uu kula hadlay dadweyne aad u badan iyo xildhibaano soo dhawayn heerkeedu sarreyso u sameeyay.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bulshada ku nool Huurshe iyo Xeraale waxa uu si isku mid ah uga codsaday in ay qaybtooda ka qaataan nabadaynta dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka laga soo tago qorshaha guud ee socdaalkiisa Galmudug waxa uu Huurshe iyo Xeraale u tegay in uu dhammeeyo colaado soo noqnoqday oo dhibaata badan ku hayay dadka iyo deegaanka.

Dhinaca kale, Khayre ayaa inta uusan u ambabixin degaanada Huurshe iyo xeraale booqday faraca jaamacadda umadda ee magaalada Caabudwaaq.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyeen qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda oo laba kamid ah ay horay wax ugu barateen jaamacadda ummadda ayaa hoolka jaamacadda kula hadlay ardayda wax ka dhigata faraca Caabuudwaaq.

Maamulka iyo ardayda jaamacadda oo aad usoo dhaweeyay booqashada Ra’iisul wasaaraha ayaa ka codsaday dowladda inay wax ka qabato baahiyaha ay jaamacaddu qabto si loo horumariyo, ayna awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare ee ay qabaan bushada ku nool deegaannada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediay jaamacadda ayaa ardayda ku boorriyay in ay ku dadaalaan waxbarashada si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka, waxaana uu dhanka kale maamulka jaamacadda u ballan qaaday in dowladdu si deg-deg ah wax uga qabanayso baahiyaha hadda taagan.

Sawirada hoose: faraca jaamacadda Ummadda ee Caabudwaaq

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -