Shirkadda Facebook oo soo saartay shuruuc iyo qawaaniin cusub oo la xiriira xad gudubka

Facebook ayaa daabacday shuruuc cusub oo la xiriira xadgudubka, si shirkadaha loo caawiyo, sida ay sheegtay madaxa fulinta Sheryl Sandberg.

Shuruucdaan cusub ee xadgudubka waxaa ka mid ah xodxodashada, hanjabaad, kaftanka laga xanaaqo, iyo takoorka.

Waxay muujineysaa in hadal xadgudub ah aan lagu tilmaami karin kaftan, ama sababo kale oo lagu andacoodo in aysan jirin.

Sidoo kale, wuxuu sharcigan dhigayaa in dacwadaha la xiriira xadgudubyada looga jawaabo 24 saacadood gudahood.

Koox baaritaan ku sameysa ayaa loo saarayaa, balse Facebook waxay sheegtay in aysan masuul ka noqon doonin natiijada ka soo baxda baaritaanka, oo dhallin kara caro ka dhalata in qofka la eedeeyay aan shaqada laga tirin.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in ay u qaadan karto in qofka uu sharcigeeda ku xadgudbtay, xitaa haddii uusan xeerarka Facebook jebin.

Facebook ayaa sidoo kale shirkadaha kale weydiisatay in ay ka fikiraan, marka ay xeerarkooda wax ka badalayaan in:

  • Haddii labada qof ee rag iyo dumar ee meel ka wada shaqeeya is doonteen
  • Muxuu noqonayaa sida saxda ah ee la isu salaami karo
  • Haddii maamulayaasha ay shaqaalahooda saaxiib kula noqon karaa Baraha bulshada

“Waxaan u baahannahay hannaan wanaagsan oo looga hortagi karo dhaqamada xun iyo in qof kaste la difaaco,” ayey tiri Ms Sandberg oo barta Facebook ku qortay sharaxaadda xeerka cusub.

Waxay intaa ku dartay in facebook ay aaminsan tahay in sharcigan cusub uu yahay “mid dhammeystiran”.

Xigasho:BBCSomali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -