Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab ka saaray deegaanno ay heesteen (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helayay ciidamo dadka deegaanka ah, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ay joogeen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab oo dhaca aagga wabiga Shabelle ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Howlgalka ay sameeyeen ciidamada huwanta ah ayaa intii uu socday waxaa Al Shabaab looga saaray deegaanno iyo tuulooyin ay kamid yihiin, Kiliga Maxamed Diirshe, Raas qaboobe, Jameeco, Shanloow, dhagaxoow, Yaaqle, Damileey iyo deegaano kale .

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen ciidamada jab iyo khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay Al Shabaab, waxa ayna xuseen saraakiisha in howlgalka yahay mid sii socon doono oo Al Shabaab looga saari doono goobaha kale ay joogaan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa mararka qaar fuliya howlgalo ka dhan ah kooda Al Shabaab, ciidamada ayaana dib uga soo laabta deegaannada ay mararka qaar kasoo fuliyaan howlgallada saacado kaddib.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Xabsi ku hayay Xaaskiisa iyo labo Cunug oo ay dhashay muddo 17-sano ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Shir Deg Deg ah oo Muqdisho uga Furmay Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---