Nin Xabsi ku hayay Xaaskiisa iyo labo Cunug oo ay dhashay muddo 17-sano ah (Sawirro)

Ciidamada booliiska dalka Brazil ayaa xiray nin lagu eedeeyay in muddo ka badan 17-sanno xabsi guri ku hayay xaaskiisa iyo labo carruur ah oo ay dhashay, waxaana warkan noqday mid si weyn warbaahinta caalamka u hadal hayaan.

Booliiska Brazil ayaa khamiistii galay guri ku yaalla xaafadda Guaratiba, ee galbeedka magaalada Rio de Janeiro , waxa ayna booliiska guri halkaasi kuyaalla ugu tageen hooyo iyo labo carruur ah oo dhashay oo halkaasi ku xirnaa.

Haweeneyda lasoo badbaadiyay ayaa u sheegtay booliiska in ay silac iyo dhibaato badan ku jireen muddo 17-sanno ah, waxa ayna sheegtay in ninkeeda horey ugu sheegay in xabsiga ka bixi doonto kaliya marka ay dhimato.

Saddexdan qof ee laga soo badbaadiyay xabsiga ay ku jireen ayaa loola cararay isbitaal si looga daweeyo cuduro iyo xaalad nafaqo darro oo heesatay, waxaana labada cunug ah oo hadda jira 22-sanno iyo 19-sanno jir la mooday toban jiro sida xaalkoodu yahay darteed.

Waxa ay sheegtay haweeneyda ninkeeda xabsiga ku hayay in mararka qaarkood muddo saddex maalin ah aysan waxba cuni jiray, waxa ayna xustay in ay soo arkeen xaalad adag oo nolosha maskaxdoodana aysan ka kabsan doonin.

Booliiska ayaa xiray ninka xabsiga ku hayay xaaskiisa iyo lavo carruur ah uu dhalay, waxaana  sawirro laga soo qaaday laga arkayay guri ada u yar oo nadaafad ahaan aad u liita misana mugdi ah oo lagu hayay hooyada iyo labada carruur ah ay dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -