Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax gaari uu ka dhacay Degmada Howl Wadaag ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Isgooska Dabka.

Goobjooge ayaa noo sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la dhigay halka baabuurta la dhigto ee Masjid Xeynuuf oo kuyaala dagaandega Isgooska Dabka gaar ahaan dhinaca Howl Wadaag.

Lama soo sheegin wax khasaaro ah ka dhashay qaraxan oo goordhaw dhacay, waxaan sidoo kale la ogeyn in qaraxan uu ahaa mid gaariga hoosta looga soo xiray iyo in kale.

Qaraxan ayaa imaanaya xili amaanka magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay lana xiray inta badan wadooyinka magaalada ,waxaana ciidamada amaanka magaalada ka wadana howlgalo adag.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada ciidamada DF oo xukun adag ku riday Maxamed Aadan Gaduudow

Caydiid Ali

Mareykanka oo shaaciyay in ay dileen Maxamed Saalax oo si weyn u raadinayeen

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay qaraxii ka dhacay Magaalada Kambala

Caydiid Ali
Taboola Ads ---