Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa daqiiqado yar kahor qarax xoogan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay xaafada Kaawo Godey ee degmada Wadajir.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa ka dhacay Isgooska Kaawo godey gaar ahaan goob mashquul badan, waxaana qaraxa uu ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan xoogan ayaa loola cararay isbitaalo kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay aheyd goob mashquul badan oo lagu iibinayay jaad iyo waxyaabo kale, waxaana goobtan sidoo kale sanadkii hore ka dhacay qarax dad  badan ay ku dhinteen.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaad kala Socotaa Kala waqti yaraanta Saacadaha Soonka ee Dalalka Islaamka ?

Cabdi Cade

Weerar Gantaalo loo adeegsaday oo lagu qaaday Saldhig Mareykanka ku leeyahay dalka…

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo Baaq u dirtay Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---