Weerar Gantaalo loo adeegsaday oo lagu qaaday Saldhig Mareykanka ku leeyahay dalka…

Weerar gantaalo culus loo adeegsaday ayaa lagu qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin waqooyi bari dalka Suuriya, waxaana weerarkan lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen xulufada dowladda Iran.

Shan gantaal laga tuuray magaalada Zummar ee dalka Ciraaq ayaa lagu garaacay  saldhigga ciidamada Maraykanka ee Suuriya , waxaana gantaaladan la sheegay in qaarkood ku dhaceen xerada iyo meel u dhaw sida ilo dhinaca ammaanka ah laga soo xigtay.

Weerarka ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ayaa ah kii ugu horreeyay tan iyo horraantii bishii Febraayo ee sannadkan, markaasoo kooxaha Iran ay taageerto ee Ciraaq ay joojiyeen weeraradii ka dhanka ahaa ciidamada Mareykanka.

Gantaaladan lagu weeraray saldhigga ciidamada Mareykanka ayaa kusoo beegantay maalin uun ka dib markii Ra’iisal Wasaaraha Ciraaq Maxamed Shiico Al-Sudani uu ka soo laabtay booqasho uu ku tegay Maraykanka, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Joe Biden.

Sarkaal Maraykan ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in in ka badan 5 gantaal laga soo riday dalka Ciraaq lagu soo weeraray saldhigga isbahaysiga ee Rumalyn ee dalka Suuriya, waxa uuna xusay in aysan jirin wax khasaaro ah oo askarta kasoo gaaray weerarka.

Qoraal la soo dhigay barta Telegram-ka ee xiriirka la leh Kataib Hezbollah ayaa lagu sheegay in kooxaha hubeysan ee Ciraaq ay go’aansadeen in ay weerarrada dib u billaabaan ka dib muddo ku dhow saddex bilood oo hakad ah, kaddib markii ay arkeen wax yar oo horumar ah oo laga gaaray wadahadallada lagu soo afjarayo isbaheysiga militari ee uu Mareykanka hoggaamiyo ee dalkaas.

Weerarkan saldhigga Mareykanka lagu qaaday ayaa yimid kadib markii subaxnimadii hore ee Sabtidii qarax weyn oo ka dhacay xero ciidan oo ku taal dalka Ciraaq lagu dilay xubin ka tirsan ciidamada amaanka Ciraaq oo ay ku jiraan kooxo ay taageerto Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -