Xukuumada Kheyre oo la sheegay in Saxaafada u qeybisay mid ay u hanjabto iyo mid ay laaluushto

Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Maxamed Ibraahim Mocalimuu, oo ah Xoghayaha Guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ,waxa uuna ka hadlay xarig sharci daro ah oo Muqdisho loogu geestay Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh.

Macalimow ayaa caddeeyay in iligan wariyayaasha Soomaaliyeed ay halis weyn kujiraan, waxaana uu xusay in  Saxafiiinta Soomaaliyeed  hanjabaado joogto ah kala kulmayaan dowlada iyo dhinacyo kale.

Xoghayaha NUSOJ ayaa sheegay in khatar weyn ay soo wajahday xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, iyadoo maamulada dalka ay xabsiga u taxaabaan inta badan wariyeyaasha ka hadla arrimo liddi ku ah siyaasadda maamuladooda.

Shirka jaraa’id ee Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Mocalimuu ku qabtay Muqdisho, waxaa ka soo muuqday Hooyo Madiina Xaaji Cali oo wiilkeeda Nuur Ismaaciil Sheekh oo wariye ah uu u xiran yahay dowlada.

Waxa uu sheegay Macalimuu in Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh mudo isbuuc kahor la xiray ayna garaneyn sabata loo xiray, waxa uuna xusay in Maxkamad la’aan xabsiga dhaxe loo gudbiyay loona diiday waalidkiisa in ay arkaan.

Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa sheegay in saxaafada Soomaaliyeed ay maanta khatar ku jirto, waxa uuna xusay in Xukuumada Kheyre dhib ku heyso saxaafada halisna loogu jiro in la waayo saxaafad run sheegta.

“ Habdhaqanka Xukuumadda RW Kheyrre waxaan dhihi karnaa waa xukuumadii ugu qalafsaneyd ee soo maarta saxaafada Soomaaliya , Xukuumada hada jirta Saxaafadda Waxay u qaybisay Qaar ay u hanjabto iyo kuwa ay Laaluushtay oo mushaar bilo ah loo qoray laguna amray in aysan runta sheegin, hadii saxaafadii loo qeybiyo kuwa la handado iyo kuwa lalaaluusho, waxa ay talabaadan halis ku tahay dowladnimada Soomaaliya , waan yaabanahay culees badan ayaa soo food saartay saxaafada, waxaana ugu baaqayaa Madaxweynaha in arintan wax ka qabato” Ayuu yiri Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Xoghayaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya aysan baaritaan ku sameyn dilkii dagmada Xamar Jajab loogu geestay wariye ka shaqeynayay Telefishinka SBC xaruntiisa Muqdisho oo ciidan boolis ah ka dambeeyeen, waxaana sidoo kale jirtay in Wariye wax ku qora warbaahinta Caalamiga oo lagu magacaabo Cabdalla Muumin in isna hanjabaad looga soo diray xafiiska Ra’isul wasaaraha, ilaa hadana majiraan wax baaritaan ah oo lagu sameeyay.

Hooyo Madiina waxay sheegtay in wiilkeeda oo hadda xiran 8 maalmood aan la garaneyn sabab loo heysto. mana jirto eedeyn qoran oo loo jeediyay iyo maxkamad oggollaatay xarigga intaa la’ eg, iyadoo loo diiday in ay wiilkeeda la kulantay, sidoo kalena xabsiga dhexe loo taxaabay maxkamad la’aan.

Macalimow ayaa sheegay in dalka uu kujiro xaalad qalafsan isagoo intaa raaciyay in  Dastuurka dalka uu xarrimayo in muwaadinku xirnaado wax ka badan 48 saac maxkamad la’aan!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -