Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo Baaq u dirtay Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadaha ajaaniib naceybka ku saleysan ee xiligan ka socda dalka Koonfur , taa oo dhibaato kasoo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed.

War kooban oo kasoo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay falalka boobka iyo barakicinta loo geesanayo dadka Soomaaliyeed ee kunool  Koonfur Afrika,dowlada ayaa ugu baaqday dowlada Koonfur Afrika in ay ilaaliso badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika gaar ahaan kuwa jooga goobaha ay rabshadaha ka socdaan in feejignaan iyo taxada dheeri ah sameeyaan lana xariiraan safaarada.

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiir Fartaag iyo wakiilka Q/Midobay ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dib u dhac ku yimid War-Murtiyeed laga soo saari lahaa Shirka Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Somaliya iyo Cudurka Caabuga Caronavirus Covid-19 iyo Halis Qarsoon !!

admin
Taboola Ads ---