Daawo Sawirro laga soo qaaday Weerarkii lagu qaaday xaruntii Cabdiweli Cilmi Yare

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen xarun Koonfurta magaalada Gaalkacyo uu ku lahaa Wadaad lagu magacaabayay C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa oo laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay xarunta wadaadka , waxaana qaraxa kadib xaruntaasi gudaha u galay dagaalyahano hubeesan kuwaa oo toogasho ku dilay dad badan oo xarunta ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay dad ku dhaw 20-qof uu ku jiro wadaadkii bartilmaameedka u ahaa Al Shabaab ee lagu magacaabayay C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare, waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay dad kale oo xerta ninkan kamid ahaa.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa soo afjaray weerarkii xarunta lagu qaaday, waxa ayna ciidanka dileen sadex kamid ah ragii weerarka ku galay xarunta halka mid kalana la sheegay in la qabtay isaga oo dhaawac ah.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa hada wax xoogaa degan, waxaana lagu mashquulsan yahay tirakoobka dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii saakay Al Shabaab ka fuliyeen magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -