Madaxweyne Biixi oo Xadhiga ka jaray Shan Mashruuc oo waa weyn (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray mashaariic waaweyn oo dhismeyaal, dayac-tir iyo ibo-fur agab cusub isugu jirta oo ay hirgeliyeen wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka iyo Hay’adda Horumarinta Jidadka .

Madaxweynaha iyo xubno la socday, ayaa ugu horrayn kormeer iyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey shan mashruuc oo waaweyn, kuwaas oo ay kamid yihiin dhisme cusub oo loo bineeyey hay’adda horumarinta jidadka, dhisme loo dhisay waaxda liisamada, sumadda baabuurta iyo buugga dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo ay leedahay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku, Hoostada gaadiidka dawladda oo dayac-tir iyo qalabayn lagu sameeyey, shaybaadh lagu hubinayo tayada agabka loo isticmaalayo jidadka waddooyinka iyo qalab macdaad ah oo loo soo iibiyey jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.

Madaxweynaha, ayaa xadhig-ka-jarista kaddib kormeer kooban ku sameeyey xarumaha cusub ee lasoo kordhiyey, waxana uu warbixinno ka dhegaystay khubaro iyo injineerro aqoon durugsan u leh agabka cusub ee goobtaas ku sugnaa, kuwaas oo si hufan uga warramay muhiimadda uu qalabkaasi u leeyahay horumarinta jidadka iyo helitaanka waddooyin waara oo muddo dheer loo aayo.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , ayaa ugu horrayn bogaadiyey madaxda hawshaas gacanta ku haysa, waxanu caddeeyey in haddii ay bulshadu isku tashato oo wax wada qabsadaan ay si fudud u dhismi karaan dhammaanba jidadka muhiimka ah ee gudaha Somaliland ku yaallaa, waxana uu yidhi,

“Ummad baynu nahay xooggeeda haddii ay isu geyso wax qabsan karta, waddo kastaa halka ay marayso inta deggen ee ku nool haddii qof waliba inta uu karayo xooggiisa ku tabarruco, ka dhaqaale hayaana uu qaybtiisa ka qaato, dawladduna ay hoggaaminta, abaabulka iyo aqoonta soo ururiso, aniga waxay ila tahay inaynu dhisan karno.”

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu bahda gacanta ku haysa horumarinta waddooyinka kula dardaarmay inay sii kordhiyaan dedaalkooda, kana midho dhaliyaan himilada  ah in la helo jidad casri ah oo fududeeya isu socodka bulshada deegaannada kala durugsan ku kala dhaqan, isaga oo shacabkana usoo jeediyey inay si midaysan qaybtooda uga qaataan horumarka dhinaca jidadka ah .

 

- Advertisement -