Wararkii ugu dambeeyay Weerarkii Gaalkacyo oo lasoo afjaray iyo C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare oo la dilay

Ciidamada gaarka ee maamulka Galmudug ayaa soo afjaray weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo dagaalyahano hubeesan saakay ku qaadeen xarun Koonfura magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad Suufi ah oo lagu magacaabo C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray guriga wadaadka, waxaana qaraxa kadib gudaha xarunta galay dagaalyahano hubeesan kuwaa oo toogasho ka geesanayay gudaha xaruntaasi.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa la sheegay in ay toogteen sadex kamid ah ragii weerarka ku galay xarunta , waxa ay sidoo kale ciidamada gacanta ku dhigeen mid kiamid ah ragii hubeesnaa isaga oo dhaawac.

Weerarkan waxaa ku dhintay dad badan uu ku jiray wadaadka bartilmaameedka ahaa ee C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare, waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay dhalinyaro iyo gabdho kamid ahaa xerta wadaadkan.

Al Shabaab ayaa sheegaay masuuliyada weerarkan lagu qaaday xarunta kutaala magaalada Gaalkacyo, waxa ayna Shabaab sheegeen in ay dileen nin gaaloobay oo sheegtay nabinimo iyo qaar kamid ahaa xertiisa.

Xarunta la weeraray waxaa degnaa Wadaad horey culimada Soomaaliyeed u cambaareeyeen hab dhaqankiisa, waxaana xaruntaasi lagu qaadi jiray heeso khoob ka ciyaar ah uu ku tilmaamay wadaad Nabi amaan.

Qaraxa iyo weerarka saakay lagu qaaday xaruntan ayaa gabi ahaan dhulka la sintay xaruntii uu lahaa ninkan la dilay, waxaana goobtaasi laga qaaday meydad iyo dhaawacyo badan oo kamid ahaa dadkii goobtaasi ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -