Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo kormeeray laamiyo Jowhar laga dhisayo (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray laamiyada waa weyn ee laga hirgelinayo magaalada Jowhar

Injineerada iyo shaqaallaha dhismaha shirkadda Adeegsan ayaa ku gudajiray shaqadda waqtiga uu kormeerayey Madaxweynaha.

Wejiga 1-aad ee diyaarinta jidadka ayaa gabogabo ah goobaha qaar waxaana lagu wadaa dhawaan in lagu bilaabo laamiga.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa soo indho-indheeyay dhammaan jidadka ay shaqadda ka socoto

“Waxaan kormeeray jidadka ay shaqadda ka socoto dhawaan ayaa lagu bilaabi doonaa laamiga. Arrintan waxa ay gacan ka geysan doontaa isku-socodka iyo qurruxda magaalada Jowhar.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dadka shacabka inay u dulqaataan muddada ay shaqadda socoto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan Faroole oo eedeyn u jeediyey Raisul Wasaarihii hore ee Somalia

Caydiid Ali

Taliban oo War cusub ka soo saartay dilka Hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo caawa safarkiisii u horeeyey ugu ambabaxay dibeda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---