Duqa Muqdisho oo caawa safarkiisii u horeeyey ugu ambabaxay dibeda (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Caawa safarkii ugu horeeyey ugu ambabaxay dalka dibediisa tan iyo markii la magacaabay dhowr bilood ka hor

Wafdiga Gudoomiye filish ayaa u ambabaxay magaalada Durban ee dalka dalka South Africa halkaasoo ay kaga qeyb gali doonaan shirka caalamiga ah ee Maayarada caasimadaha caalamka “Global Parliament of Mayors” (GPM).

“Waxaan caawa u ambabaxay dalka South Africa gaar ahaan magaalada Durban halkaasi oo aan uga qeyb gali doono shirka Global Parliament of Mayors” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka oo xusay in shirkaas looga hadlayo horumarka caasimadaha adduunka iyo sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen.

Waxaa sii sagootiyey wafdiga Gudoomiye Cumar Filish masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil kala duwan iyo qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -