Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliban oo War cusub ka soo saartay dilka Hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri

Maamulka Taliban ayaa sheegay inaysan helin meydka hoggaamiyahii Al-Qaacida oo dhimashadiisa ay xaqiijiyeen Mareykanka bishii hore.

Afhayeen u hadlay kooxdan maamusha dalka Afghanistan, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in ilaa hadda aan meelna lagu sheegin meydka Ayman Al-Zawahiri.

Waxaa uu intaas ku daray inay sirdoonka ka codsadeen xog, baaritaankii la sameeyayna lagu waayay wax raad ah oo muujinaya geerida Zawahiri ama meydkiisa.

Taliban ayaa horey dafiray in ay ogaayeen halka Zawahiri ka joogay waddankooda, markii Washington ay shaacisay dilkiisana waxay sheegeen inaysan ka warqabin dilka.

Weli waxaa socda baaritaan, sida uu sheegay afhayeenka Taliban.

Washington ayaa bishii July sheegtay in ay dileen Al-Zawahiri kaddib markii lala beegsaday gantaal ay soo ridday diyaarad uusan duuliye saarnayn, xilli uu taagnaa meel balkoon ah oo ku taallay halka uu ku dhuumanayey.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dilkiisa uu ahaa dharbaaxadii ugu weyneyd ee ku dhacda Al-Qaacida tan markii ciiidaanka badda ee Mareykanka ay dileen Usaama Bin Laden, mudo haatan laga joogo toban sano.

 

Related posts

Wasiir Fartaag oo booqanaya Baqdaad & Ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Dad safaf ugu jiray doorashooyin oo isqaadsiiyey cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Wiil uu dhalay odey dhaqmeedkii Itoobiyaanka ahaa ee Hargeysa booqday oo la dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---