C/raxmaan Faroole oo eedeyn u jeediyey Raisul Wasaarihii hore ee Somalia

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid uu khilaafay bayaankii ay xalay ka soo saareen arrinta Boosaaso.

Faroole ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid uu la ogaa hawsha ay wadeen, balse uu si lama filaan ah uga baxay garabkooda markii ay soo saareen bayaanka taasoo uu sheegay iney aad uga yaabisay.

“Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuusan ka hadlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin” ayuu ka sheegay goob uu uga hadlayay arrimaha Boosaaso.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuusan waxba ka ogeyn qoraal ay ku saxiixnaayeen isaga iyo madaxdii hore ee Puntland oo lagu naqdinayey go’aanadii ka soo baxay isimada Puntland qaarkood ee la xiriiray xalka xilka ka qaadistii taliyaha PSF iyo dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

Qoraal uu ku baahiyey boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku yidhi “Waxaan caddaynayaa inaan la igala ashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaadhay xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -