Allbanaadir.com
NEWS

Baaritaan culus oo laga sameeyey guryo ku yaalla Kismaayo

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay qaybo ka mid ah xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Howlgalkan, oo ay hoggaaminayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska, ayaa lagu sameeyay baaritaanno lagu xaqiijinayo Nabadgelyada iyo xasiloonida Shacabka

Boolisku waxay sheegeen iney diiradda saareen inay hubiyaan Ammaanka dadka deggan guryaha xaafadahaas, iyagoo ka hortagaya wax kasta oo khatar ku ah Nabadda bulshada.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalladani ay qayb ka yihiin qorshaha joogtada ah ee Ciidanka Booliska Jubbaland ay ku xaqiijinayaan Amniga Magaalada Kismaayo iyo Agagaarkeeda

Sidoo kale shacabka xaafadaha la baaray ayaa si weyn ula shaqeeyay ciidanka, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaallada lagu sugayo Nabadda.

Booliska Jubbaland waxay xaqiijiyeen inay sii wadayaan howlgalada noocan oo kale ah si looga hortago falalka Amni-darro iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhici kara Magaalada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dagaal culus oo dhax maray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyada Macawiisley

Cabdi Cade

Dhaqaatiirta Magaalada Gaalkacyo oo talaabo culus qaaday ka dib dilkii Dr. Sakariye

Caydiid Ali

Guddoomiye Mursal & labadiisa ku-xigeen oo Shir deg deg ah ku leh Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---