Howlgal loogu magac daray “Maxay galabsatay Caa’isha” oo ka bilowday Gaalkacyo

Ciidamada amniga Puntland ayaa maanta howlgal loogu magac daray “Maxay galabsatay Caa’isha” ka billaabey magaaladda Gaalkacyo.

Waxaa hogaaminaya howlgalkan Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo taliye ku xigeenka Booliska Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow).

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo ka yimid gobolka Sool ay saaka soo gaareen waqooyiga Gaalkacyo oo maalmo ka hor uu ka dhacay fal kufsi iyo dil ah oo loo geystay Gabar 12 jir ahayd, oo lagu magacaabi jiray Caa’isha Ilyaad Aadan.

Ujeedka ciidamada loo geeyay magaaladda ayaa ah inay wax ka qabtaan falalka amni darro ee ku soo kordhay halkaasi, iyadoo wali uu socdo baaritaanka raggii kufsiga iyo dilka u geystay Caa’isha Ilyaas oo intooda badan xabsiga la soo dhigay.

Dibad-baxyo labo maalmood socday ayaa ka dhacay Gaalkacyo, kuwaasoo looga soo horjeeday Kufsiga ku soo kordhaya magaaladda.

Warar hoose oo laga helay saraakiisha baaritaanka wada ayaa sheegaya in la helay cadeymo xoog badan oo muujinaya in falka dilka iyo kufsiga isugu jira ee loo geystay Caas’isha ay geysteen todoba nin oo afar ka mid ah la hayo, kuwaasoo dhowaan la soo taagayo Maxkamad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -