Xukuumada oo shaacisay iney diyaar u tahay sii wadida Wadahadalkii Musharaxiinta

Waxaa dhawaan fashil kusoo dhamaaday Wadahadalo u socday Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyay in diyaar u yihiin in halkeeda laga sii wado wadahadaladii dhawaan lagu kala tagay si meesha looga saaro khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Dhinaca kale Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wali diyaar u yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada.

”Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado” ayuu yiri Macalimuu.

Wadahadaladii u dhaxeeyay Xukuumada iyo golaha Midowga Musharaxiinta ayaa fashilmay kadib markii Ra’isul Wasaare Rooble ka biyo diiday in Musharaxiinta qeyb ka noqdaan shirka looga hadlayo arimaha doorashada ee u dhaxeeya DF iyo maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -