(Sawirro) Mareykanka oo maxkamad soo taagay rag loo heysto iney lacago siiyeen..

Saddex muwaadin oo Maraykan ah oo asalkoodu ka soo jeedo Cameroon ayaa la xidhay waxaana lagu soo oogay dacwad ah inay dhaqaale u ururiyeen dagaalyahannada gooni u goosadka ah ee ku sugan waddanka Afrikada dhexe, sida ay sheegtay waaxda caddaaladda ee Maraykanka.

Cameroon waa wadan inta badan looga hadlo luuqada Faransiiska oo ay ku nool yihiin dad laga tiro badan yahay oo ku hadla Ingiriis kuwaas oo muddo dheer ka cabanayey in la takooro.

Sannadkii 2017-kii dagaalyahanno ka soo jeeda labada gobol ee lagaga hadlo Ingiriisiga ayaa bilaabay inay la dagaalamaan milateriga iyaga oo ujeedkoodu ahaa inay dhistaan ​​dawlad ka go’aysa, taasoo ay ugu yeedhaan Ambazonia. Colaadda waxaa ku dhintay kumannaan kun.

Saddexda qof ee lagu soo oogay ayaa lagu kala magacaabaa Claude Chi, 40, oo ka tirsan Lee’s Summit, Missouri; Francis Chenyi, 49, St. Paul, Minnesota; iyo Lah Nestor Langmi, 46, Buffalo, New York, sida ku xusan qoraal ay soo saartay waaxda cadaaladda ee Isniintii.

Waxaa lagu eedeeyay in ay dalbadeen oo ay u uruuriyeen lacag loogu talagalay saadka, hubka iyo walxaha qarxa si loogu isticmaalo weerarrada ka dhanka ah shaqaalaha dowladda Cameroon iyo ciidamada ammaanka, ayay tiri.

raggan ayaa loo heystaa iney ururiyeen lacag gaareysa $350,000, sidoo kale raggan ayaa lagu eedeeyey  inay shirqool u dhigeen dad kale si ay u afduubtaan dad rayid ah gudaha Cameroon oo ay u haystaan ​​madaxfurasho,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Mararka qaarkood, muwaadiniinta Mareykanka ayaa laga qaaday lacago madaxfurasho ah si loo sii daayo qaraabadooda la afduubay ee ku nool Cameroon,” ayay raacisay. Lacagaha madaxfurashada ayaa markaas lagu wareejiyay dagaalyahannada gooni u goosadka si ay ugu maalgeliyaan howlgalladooda.

Saddexda eedaysane ayaa mid walba waxa uu xilal sare ka hayay urur taageera koox loo yaqaanno Ciidanka Soo celinta Ambazonian iyo dagaalyahannada kale ee gooni u goosadka ee gobolka Waqooyi-galbeed ee Cameroon, waxaana ay dhaqaale u uruurinayeen ilaa 2018, ayaa lagu yiri bayaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -