Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Qaacida oo sii deysay Muuqaal dilkiisa ka hor laga duubay Ayman Al-Zawahiri

Al Qaacida ayaa sii deysay muuqaal 35 daqiiqo ah oo ay kooxda sheegtay inuu duubay hogaamiyahooda Ayman Al-Zawahiri

Waxaa la rumaysan yahay in lagu dilay weerar uu Maraykanku qaaday bishii Ogosto ee sannadkan 2022..

Codka ma lahan wax taariikh ah, halka qoraalka kor saaran uusan si cad u tilmaamin wakhtiga saxda ee la duubay.

Zawahiri ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay dalka Afghanistan, taasoo ah dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaarta kooxda tan iyo markii la dilay aasaasihii ururka Osama Bin Laden sanadkii 2011-kii.

Waxa uu dhuumaalaysi ku jiray sanado badan, hawlgalka lagu soo helay laguna dilayna waxa uu ka dhashay dabagal ay qoyskiisa ku hayeen Sirdiinka Mareykanka oo ugu dambeyn ogaaday guriga uu ku sugan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan baxyada looga soo horjeedo dilkii George Floyd oo gaaray Britain (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Doorashada 16 ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo la hakiyey (Sababta)

Caydiid Ali

Nin Xaaskiisa si arxan darro ah ugu dilay Qoryooley iyo dilaaga oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---