Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxan oo loo adeegsaday Bam gacmeed lagu tuuray Biibito ama Maqaahi shaaha laga cabo oo ku taalla xaafadda Silliga ee magaalada Baydhaba.

Dadka degaanka ayaa sheegay in maqaahidan ay fariisan jireen ciidamada Maamulka K/Galbeed, laakiin xilliga qaraxu dhacayey ayaa la sheegay inuusan wax ciidan ah halkaasi joogin.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan labo ay qof oo shacab ah ay ku dhaawcameen qaraxan kuwaasoo loo qaaday isbitaalka magaalada, waxaana goobta gaaray ciidamada amniga oo baaritaano ka sameeyay.

Dhowaan ayey aheyd markii hotelo iyo maqaayado caan ah oo ku yaalla Baydhabo lagu qaaday weeraro ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen qiyaastii 35 qof, tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Baydhaba oo la ciirciireysa musharaxiin iyo siyaasiyiin kale ayaa la filayaa inay dhowaan ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed oo muddo laba jeer ah dib u dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -