AMISOM oo ku dhawaaqday guluf dagaal oo dalka looga saarayo Xoogaga Al-Shabaab

Uganda ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay billaabi doonaan Howlgal lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro dalka.

Taliyaha Guud ee Ciidamada difaaca dalka Uganda David Muhoozi oo todobaadkan booqasho ku yimid Muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa AMISOM iyo Saraakiisha Ciidamada.

David Muhozi ayaa sheegay in howlgalkan oo isku dhaf ah lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro Soomaaliya sidoo kalena lagu tijaabiyo awoodda Ciidamada Soomaaliya ee ay AMISOM ku dooneyso in amaanka dalka ku wareejiso marka la gaaro sanadka 2020.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira, ayaa isna sheegay in ujeeddada howlgalkan wadajirka ah uu yahay in Al-shabaab laga saaro magaalooyin iyo degaanno ay heysato, in la dhimo baraha Canshuuraha ay ku qaaddo Al-shabab iyo dowladda Federaalka ah loo sahlo sidii ay u maamuli lahayd dhul ballaaran oo ka mid ah Soomaaliya.

Inkastoo awoodii kooxda Al-shabaab la wiiqay haddana waxay weli ka taliyaan degaano ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Somalia, iyadoo waxyaabaha lagu eedeeyo dowlada Madaxweyne Farmaajo ay ugu weyn tahay iney ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -