Guddiga Doorashooyinka oo War kasoo saaray doorashada ka dhaceysa Teendhada Afisiyooni

War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ayaa lagu shaaciyay in beri oo sabti ah teendhada Afisiyooni ee xeedaabka Garoonka Aadan Cadde lagu qabanayo doorashada Guddoonka Guddiga Maamulka doorashadda ee Somaliland.

Doorashada Gudoonka guddigan ayaa waxaa hareeyay khilaaf aad u xoogan, waxaana garabka taageersan Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi shaaciyeen in aysan beri ka qeyb geli doonin doorashada dhaceysa.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dadaalo uu waday uuna xal ugu raadinayay khilaafka doorashada guddiga maamulada doorashada gobolada Waqooyi ayaa guul dareestay.

Doorashada beri ka dhaceysa teendhada Afisiyooni ayaa guddiga doorashada heer Federaal sheegeen in goob joog ka noqon doonaan warbaahinta, wakiilo ka socda beesha Caalamka iyo bulshada rayidka.

”Doorashada Guddoonka Guddiga Maamulka doorashadda kuraasta labada aqal ee Somaliland waxa lagu qabanayaa Teendhada Afisiyoone , Sabti 10:00 Am, oo ku beegan 7-Aug-2021, Waxa lagu casuumayaa Saxaafada, Hay-adaha Dawladda, Ururada Bulshada Rayidka, Gudiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada Heer federaal.

Doorashadan ayaan wali la ogeyn sida ay u qabsoomi doonto maadaama aysan wali raali ka aheyn guddiga doorashada gobolada Waqooyi xubno katirsan gaar ahaan garabka uu soo magacaabay Gudoomiyaha Aqalka Sare.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -