Zelensky oo sheegay in dalkiisa ay xaaladii ugu adkeyd ka heysato dagaalka Ruushka

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku booriyay wadamada Reer Galbeedka inay ku soo rogaan dowladda Ruushka cunaqabatayn dheeri ah, si ay fal celin ugu noqoto “mowjado argagaxa oo cusub”oo soo wajahay dalkiisa, kadib weeraradii Isniintii dhacay.

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gantaalada Ruushka lagu garaacay gobolo ka tirsan dalka Ukraine.

Kadib markii shaqooyin badan uu hakad ku yimid talaadadii, Zelensky waxa uu ka dalbadey Reer Galbeedka inaay raadiyaan habab cusub, oo ay cadaadis siyaasadeed ku saarayaan Ruushka, ayna ku taageeraan Ukraine.

Dalabkan ayaa yimid ka dib markii ay kulmeen madaxda ku bahoobay kooxda G7, ee wada-hadallada degdegga ahaa maalintii Talaadadii.

Ururkan, ayaa ka kooban dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK iyo US, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada “dhaqaale, bini’aadantinimo, ciidan, tan diblomaasiyadeed iyo midda sharci” ee ay u fidiyaan dalka Ukraine,”ilaa inta ay dib u hananayso dowladani qeybaha kala duwan ee dalkeeda”.

- Advertisement -