Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo qorshe muhiim ah shir ka yeeshay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM.

Dowladda Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada., waxa ayna Masar sheegtay in gacan ka geysan doonto sidii Soomaaliya xasillooni u heli laheyd.

Soomaaliya , ayaa si weyn u dooneysa in ciidamada dowladda  Masar ay  qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta , si ay Masar gacan weyn uga geesato cirib tirka iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee diidan dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , ayaana dhawaan heshiisyo kala duwan la saxiixday MadAxweynaha Masar Cabdifitaax Al Siisi, waxaana la filayaa Masar in kaalin weyn ku yeelato howlgalka cusub ee nabad ilaaluntaee AUSSOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Maalinta 1aad ee Ciida looga dabaaldegay Muqdisho? (Warbixin)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Siyaarada Sheekh Weyn uga qeyb galay Tayaatarka (Sawirro)

Cabdi Cade

Cabdisaciid oo qaabilay wafdi ka socday dolwadda Faransiiska oo Muqdisho soo gaaray (Sawiro)

admin
Taboola Ads ---