Qoorqoor oo soo saaray liiska Musharaxiinta ka harsan Aqalka sare iyo Cabdi qeybdiid oo..

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa caawa shaaciyey musharaxiinta labadii kursi ee ka harsanaa xubnaha Galmudug ku metelaya aqalka sare ee Baarlamanka Somalia.

Mid ka mid ah kuraastan oo ahaa mid ay ku loolamayeen Cabdi Qeybdiid oo hadda ku fadhiya kursigaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sida muuqata waxaa ka tanaasulay Kursigaas Xaaf, inkastoo aan la ogeyn waxa lagu qanciyey.

Labadan kursi ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 54 kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare iyadoo horey loo dhameystiray doorashada 52 kursi.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA QOORQOOR

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -