Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Xamse oo ka qeyb galay Xus weyn oo lagu qabtay Safaarada Turkiga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay Sannadguurada 100-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jahmuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Ra’isul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho oo lagu maamusayey sanad-guuradan ayaa ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir istiraatijiyadeed oo sal adag leh, gaar ahaan waxay labada dal iska kaashadaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada”.ayuu yiri RW Xamse

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaliya ayaa tilmaamay sida shacabka iyo dowladdeennu ay farxaddooda ula qeybsanayaan, taas oo ka tarjumeysa tiirarka adag ee ka dhexeeya labada dhinac.

Related posts

Xaalad adag oo soo wajahday Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Sweden

Caydiid Ali

Maxaa sababay in saddex jeer la Cadaabo qoomkii loo diray Nebi Shuceyb CS?

Caydiid Ali

Sargaal katirsan Ilaalada Madaxtootada Soomaaliya oo galabta lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---