Allbanaadir.com
NEWS

Indhacade “Qori uma qaadanayo dowlada Xassan Shiikh”

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah saraakiiisha Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo qaylo dhaanta mucaaradka.

Jeneraal Indha Cadde ayaa ka hadlay qorshaha mucaaradka ee ku aadan dib u dhisidda badbaado qaran 2 oo ay ku goodiyeen inay ku wajahayaan madaxweyne Xasan, haddii aanu dhexda soo dhigin doorashada.

Indhacadde ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aanu qayb ka noqon doonin qorshahahaasi, isla markaana aanu qori u qaadan doonin Xasan Sheekh iyo dowladdiisa.

“Xasan Sheekh haddii uu doorasho qof iyo cod ah qabanaayo iyo haddii aniga hadda aragtideyda iyo waxaa aan ka qabo waa wax kale, laakiin qori maya” ayuu yiri Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde)

“Hadda muxaafad ma’ihi, mucaaradna kuma ihi dowladdaan waxaan ahay nin Soomaali ah oo janan ah oo ka tirsan ciidamada qalabka sida” ayuu intaas ku daray indhacade oo xusay  haddii uu qori uu qaadanayo kaliya inuu la dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

Related posts

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madal weyn (Sawirro)

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay xiisadii ka dhalatay dilkii Taliyihii Ururka Gorgor G/lle Maxaadey

Caydiid Ali

Xog Xaasaasi ah: Guddomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galaya shirka musharaxiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---