Xog Xaasaasi ah: Guddomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galaya shirka musharaxiinta

Wali waxaa is hor fadhiya oo Muqdisho ku shiraya musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed oo lagu daray siyaasiyiin iyo madax xilal ka haayo Dowladda seegtay tubta toosan ee siyaasada ee ay majaraha u hayaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.
 
Marba marka ka dambeysa shirka ayaa sii noqonaya mid xasaasi ah oo waxaa sii cuslaanaya miisaanka iyo muhiimada uu u leeyahay shacabka iyo siyaasiyiinta u turaya dalka ee doonaya in ay badbaadiyaan Dowladnimada umada Soomaaliyeed ee xilligan kala guurka ah gudcurka uu ku wado Madaxweyne Farmaajo.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka mid ah xubnaha codsaday in ay shirka ku biiraan si musharaxiinta uu ugu biiriyo taladiisa wax ku oolka ah si dalka ay uga qabsoonto doorasho ka duwan mida ay qarankaan u qorsheeyeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.
 
Sidoo kale waxaa suuragal in Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudeey uu isna ka qeyb galo shirka weyna u muuqataa in Farmaajo iyo kooxdiisa aysan heysan garab iyo gabaad siyaasadeed.
 
Saacado kooban ka dib ayaa la filayaa in Guddoomiye Mursal iyo xubno kale oo siyaasiyiin iyo wax garad isugu jira in ay si gaar gaar ah ugu biiraan shirka galay maalinkii 3aad ee Muqdisho uga socda in ka badan toban musharax oo doonaya in ay xilka ka badalaan madaxweyne Farmaajo oo intii uu xafiiska joogay ceel ku sii ridaayay rajada umadda Soomaaliyeed.
 
Goor sii horeysay oo manta ah waxaa shirka ka qeyb galay Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Somaliland kuwaasoo xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka.
 
Muhiimada uu shirkaan u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaa laga dheehan karaa sida ay qeybaha bulshada iyo madaxda ka tirsan Dowladda ay uga qeyb galayaan, Waana sababta keentay in maalin kale oo dheeraad ah lagu daro xilligii loogu talagalay in uu dhammaado.
 
Ujeedka ugu weyn ayaa ah sidii dalka looga bixin lahaa gacmaha Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo u hor seedaya mugdi iyo mutaqbal xumo, waana sababta ay Fahad iyo Farmaajo qarka ugu saaran yihiin in ay iska casilaan xilalka ay hayaan maadaama uu isa soo tarayo cadaadiska siyaasadeed ay kala kulmayaan gudaha iyo dibada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -