Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo raadineysa marmarsiyo ay kaga baxdo Xabad joojinta

Israa’iil ayaa u muuqata inay raadinayso marmarsiyo lagu burburin karo heshiiska xabbad-joojinta ee ay la gashay kooxda Xamaas

Tel aviv ay madax wareer ka qaaday hababka argagaxa leh ee Xamaas ay uga faa’iideysanayso waqtiga ay wareejinayso maxaabiista oo lagu soo bandhigayo ficillo fadeexad, fashil amni iyo sirdoon ku caddeynaya Israa’iil

RW Israa’iil ay sheegay inaysan oggolaan doonin dadka rayidka ah ee Qasa inay ku laabtaan waqooyiga, iyagoo ku andacoonaya inaysan Xamaas fulin qaab dhismeedka heshiiska iyo inay ahayd in la soo hormariyo sii deynta gabadh lagu magacaabo Arbel Yahud oo ay Israa’iil ku sheegtay qof rayid ah, balse Xamaas ayaa aaminsan inay tahay fallanqeeye iyo xubin amni oo muhiim ah oo ka tirsan wasaaradda difaac Israa’iil.

Xamaas, waxay xaqiijiyeen inay gabadhan nooshahay oo ay sii deyn doonaan toddobaadka dambe, balse Netanyahu ayaa shuruud ka dhigay illaa la sii daayo Arbel, inaysan oggolaan doonin inay dadka rayidka ah ku laabtaan waqooyiga Qasa.

Related posts

Qaar kamid ah Shaqaalaha Dowlada oo Deeq Waxbarasho oo Dibadda ah helay (Sawirro)

Cabdi Cade

R/W kuxigeenka dalka oo Indhihiisa kusoo arkay Saameynta Fatahaadii Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirkii hore ee Warfaafinta  oo maanta xilka Wasaaradaasi iska wareejiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---