War cusub oo ka soo kordhay xiisadii ka dhalatay dilkii Taliyihii Ururka Gorgor G/lle Maxaadey

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Dedaalo ay hormuud ka ahaayeen Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ka tirsan hogaanka dhaqanka beesha Mudulood ayaa suurageliyey in xal laga gaaro xiisadii ka dhalatay dilkii Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Kumaandoska Xoogga dalka G/lle Maxaadey Suleymaan.

Sarkaalkan ayaa habeenkii Sabtida lagu dilay israsaaseyn ka dhacday agagaarka Ex-Hotel Naasa-hablood 2 oo ku yaalla agagaarka tiyaatarka Qaranka markii ciidamada ilaalada hotelkaas ay rasaas ooda kaga qaadeen gaari uu watay G/lle Maxaadey, iyagoo ku andacooday iney ka shakiyeen.

Ehelada Marxuumka ay diiday in la aaso meydkiisa illaa laga helo cid qaadata mas’uuliyadda wixii dhacay.

Hase ahaatee Ehelada Marxuumka ayaa ugu dambeyn ogolaaday in maalinta berri la aaso Marxuumka, ka dib markii Mas’uuliyada wixii dhacay uu qaatay Wasiirka Amniga, si wadajir ahna aaska looga qeyb qaadan doono, iyadoo farsamo ee kale dib la isaga soo laabanayo

Waxaa la magacaabay Guddi qaban qaabinaya Aaska Marxuumka oo ka dhacaya Isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -