Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo kulamo la yeeshay hoggaanka Libiya iyo Malaysia

Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeybgalayey Madasha Sanadlaha ee Dhaqaalaha Adduunka ee Davos ayaa kulan doceedyo la yeeshay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka aan walaalaha nahay ee Liibya Mudane Maxamed Al Menfi iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Malaysiya Mudane Anwar Ibrahim.

Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha uu la kulmay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dalalkooda kala dhexeeya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo mudnaanta siinayey fursadaha iskaashi, taas oo qeyb ka ah qorshaha ka qeyb-galka wafdiga Madaxweynaha ee Madasha Davos.

Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale madaxda labada dal kala hadlay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya , waxa uuna ka codsaday Madaxweynaha hoggaamiyaasha dalalka Liibiya iyo Malaysia in ay garab siiyaan dowladda Soomaaliya oo dib u kabasho ku jirta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa dalka Swizarland uga qeyb galaya shir looga hadlayo dhaqaalaha Adduunka , waxa uuna halkaasi kulamo duceedyo kula leeyahay qaar kamid ah madaxda shirkaasi ka qeyb galeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

NISA oo War cusub ka soo saartay khilaafka A-Shabaab & Saraakiil gadooday

Caydiid Ali

Sawirro: Mareykanka qorshe Cajiib ah u degay Taalibaan ugana tagay Diyaarado iyo Baabuur aan…

Cabdi Cade

Booliska Somalia oo ka hadlay xariga haweeney fal argagax ka geysatay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---