Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Labo qof oo ku dhimatay Magaalada Burco iyo 11 dhaawac ah ka dib markii..

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil xalay ka dhacay agagaarka degaanka Beer oo dhanka Bari kaga toosan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Shilka Gaari ayaa yimid kadib markii ay fooda isdareen Gaari Bas ah iyo gaari kale waxaana ku dhintay laba Ruux halka ay ku dhaawacmeen 11 Ruux oo kale, kuwaasoo kala saarnaa labada Gaari.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Guddoomiyaha Magaalada Burco ee Somaliland ayaa sheegay in 11 ruux oo dhaawac ah la geeyay Isbitaalka Magaalada Burco, Afar ka mid ahna ay aad u liidato xaaladooda.

Waxaa ay sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay shilka gaari, waxaana xalay isbitaalka Burco buux dhaafiyey dad fara badan oo u badan dad ehelo iyo asxaab la ah dhibaneyaasha shilkaas waxyeeladu ka so gaartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo midoobo Al-Shabaab ka dib weerarkii hotel Xayat

Caydiid Ali

Wasiirad Fowsiya oo shaacisay tirakoobka dad cusub oo uu soo ritay COVID-19

Caydiid Ali

Wiil Dhalinyaro ah oo YouTube ka sameeyay in ka badan 12 milyan oo gini sannadkii 2017kii (Sawirro)

admin
Taboola Ads ---