Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo tagay Masar iyo xogta kulan uu la qaadanayo Al Siisi (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Cabdulfataax Al-Siisi ayaa xoogga saari doona horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab.

Related posts

(Daawo Sawirro) Xuseen Max’ed Nuur oo xariga ka jaray Xafiiska Amniga Maamulka G/Banaadir

Caydiid Ali

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Pakistan oo Muqdisho lagu soo celiyay

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir & Masuuliyiinta degmooyinka oo ka wada hadlay qodobo Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---