Taalibaan oo ka hadashay Duqeyntii ka dhacday Kabul ee lagu dilay Ayman al-Zawahiri

Ururka Taliban ee ka taliya dalka Afghanistan ayaa  cambaareeyey duqayntii uu Maraykanku ka geystay caasimadda Kabul, halkaas oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayni ku dileen hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, hase ahaatee ururka Taliban ayaa sheegay inaanay xog badan ka haynin bartilmaameedka weerarkaas, iyaga oo markale ku celiyey mowqifkooda ku aaddan la dagaalanka Argagixisada.

“Weli kama warqabno faahfaahinta [la xidhiidha bartilmaameedka weerarkaas]. Waxa kaliya ee aan ognahay waa in weerar dhanka cirka ahi uu ka dhacay halkan oo ah Imaaradayada Islaamiga ah, arrintaasna si adag ayaan u cambaareyneynaa,” ayuu yidhi Cabdisalaan Xanafi mar la weydiiyay inuu ka hadlo dilka Al-Zawahiri ee weerarka Drone-ka Mareykanka.

Cabdisalaam Xanafi oo ah ku xigeenka labaad ee ra’iisal wasaaraha xukuumadda Taliban ayaa hadalkan u sheegay warbaahinta, taasoo noqotay falcelintii ugu horraysay ee ururka Taliban uu ka bixiyo weerarkii lagu dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida.

Cabdisalaan Xanafi waxa uu dhalleeceeyay weerarka Maraykanka oo uu ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanida dalkiisa, shuruucda caalamiga ah iyo heshiiskii Doha”.

Heshiiska Doxa oo ay bishii February ee sannadkii 2020 kala saxeexdeen Maraykanka iyo Taliban ayaa dhigayey in ciidamada huwanta ah ee Maraykanku uu hoggaamiyaa ay ka baxaan dalka Afghanistan, iyada oo taas bedelkeeda uu heshiisku ka doonayey in kooxaha kacdoonka wadaa inay ka hor-istaagaan kooxaha argagixisada ah ee caalamiga ahi inay ka hawlgalaan gudaha dalka Afghanistan.

“Imaaradda islaamiga ahi waxa ay si joogta ah ugu sheegtay [dalalka Caalamka] in ay siyaasadeenu tahay in aanaan cidna u ogolaan in ay dhulkeena u adeegsado inay kaga duusho dalalka deriska iyo kuwa kaleba. Imaarada Islaamiga waxay si adag ugu taagan tahay siyaasaddan,” ayuu yiri Cabdisalaan Xanafi.

Joogitaanka Zawahiri ee xaafad ka mida magaalada Kabul ayaa loo arkaa inay tahay dhirbaaho diplomaasiyadeed oo aan wanaagsanayn oo soo gaadhay ururka Taliban, iyaga oo xukunka qabsaday ku dhowaad hal sano ka hor, waxaana ururka Taliban uu gucle ugu jiraa sidii uu u heli lahaa sharciyad caalami ah oo lagula macaamilo dawladdooda.

Hase ahaatee Maraykanka ayaa ku eedeeyey ururka Taliban inay gebiyeen heshiiskii Doxa, maadaama u ogolaadeen oo ay martigeliyeen Zawahiri inuu ku noolaado gudaha caasimadda Kabul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -