Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo joojiyey weeraradii Maraakiibta, kana digay..

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay joojiyeen guud ahaan weeradii ay ku hayeen Maraakiibta marta badda cas, Baabul Mandab iyo gacad Cadmeed oo ay ku jiraan kuwa Maraykanka iyo Ingiriiska iyo guud ahaan caalamka marka laga reebo kuwa Israa’iil.

Go’aankooda ayay ku saleeyeen xabad jooginta Qasa, Maraakiibta calanka Israa’iil wata wali waxaa saaran xanibaada ilaa laga dhamaystirayo heshiiska xabad joojinta.

Waxay sheegeen iney dib u bilaabi doonaan weerarada hadii Israel aumar kale bilowdo dagaalka Gaza.

Go’aanka xuutiyiinta waxaa ka dhashay khasaaro xoogan. Tuusaale sanadkii 2024, Masar oo kaliya ayaa qasaartay $7 bilyan oo doollar ka dib markii ay hoos u dhaceen maraakiibta ka gudubta kanaalka Suweys

Soomaaliya ayaa sidoo kale ka mid wadamada xanibaadu saamaysay.

Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen, Cabdimaalik Al-xuuti ayaa sheegay in ka badan 1,255 gantaallada iyo kumannaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inay ku weerarreen Israa’iil, tan iyo markii ay billaabeen howlgalka ay ku taageerrayaan Qasa.

Related posts

Madaxweyne Ruto oo soo saaray baaq deg deg ah oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Xisbiga Waddani ka guddoomay bedelka Xubintii Guddiga Doorashooyinka

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Shirka ka dhacaya Garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade
Taboola Ads ---