Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo Xisbiga Waddani ka guddoomay bedelka Xubintii Guddiga Doorashooyinka

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Salaasa ah  Xisbiga Waddani ka guddoomay warqad summaddeedu yahay TIX/XIS/WAD/XDH/2885/2022, ujeeddadeeduna tahay: Magacaabista Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI.

Madaxweynaha  waxa uu uga mahad-celinayaa Xisbiga WADDANI sida dhakhsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee Komishinka Doorashooyinka maamulka Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu codsi u gudbinayaa in Hay’adaha kale ee xubnaha ku leh magacaabista Xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka  Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan xubinta ama xubnahooda si loogu gudbo wajiga xiga.

Related posts

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir arrin muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay Jordan

Cabdi Cade

Muxuu yahay heshiiska ay Somalia saxiixday ee la xiriira hubka Nuclearka?

Caydiid Ali

Diyaarad ay la socdeen Wafdi iyo qaar kamid ah Ilaalada Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka degtay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---