Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay gobolka Shabeelaha hoose

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degaanka Lambar 60 ee gobolka Sh/hoose qarax ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya oo marayay degaankaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday miino wadada lagu aasay lala beegsaday kolonyo ciidamo militari ah oo la sheegay inay ka soo ambabaxeen Magaalada Marko, kuna jeedeen saldhiga AMISOM  ku leeyihiin degaanka Lambar 50.

Ugu yaraan xaqiijiayay 4 askari iyo saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxa halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

War lagu faafiyey warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa waxaay ku sheegteen masuuliyada  qaraxa oo ay sheegeen in  lagu dilay saraakiil ay ka mid yihiin Kabtan Cali Dhuux iyo Laba Xidigle Cabdulle oo ka wada tirsanaa ciidanka Xoogga dalka.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Xooga oo ku aadan qaraxa ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan degaanka nambar 50.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -