Akhriso: Galmudug oo Shirkadaha dayuuradaha siisay amar ka dhan ah Madaxda dowlada Somalia

Maamulka Galmudug ayaa shirkadaha diyaaradaha ee ka howgala deegaanada Galmudug ku amray in aysan kasoo dejin karin wafdi ka socda Dowlada Federaalka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa looga digay shirkadaha dayuuradaha iney dhuusamareeb keenaan madaxda dowlada ee ku sugan Muqdisho.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili maanta lagu waday iney Magaalada dhuusamareeb gaaraan wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia, si ay wadahadal ula galaan madaxda Galmudug.

Hoos ka Akhriso Warqada ka soo baxday Madaxtooyada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -