Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka DFS oo qabtay Gaari iyo hub ay lahaayeen Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka , ayaa gacanta ku dhigay gaari la sheegay in kooxda Al Shabaab u waday hub iyo saanad, waxaana gaariga laga qabtay deegaan lagu magacaabo Baardheere oo dhaca duleedka magaaklada Baladweyne.

Ciidanka ayaana howlgal qorsgeysan ku qabtay gaariga Al Shabaab hubka u waday, waxaana la sheegay in gaariga markii la qabtay lana baaray laga helay 13-qori oo nuuca AK-47 iyo rasaas, waxaana la sheegay in garaiga kusii jeeday deegaanno Al Shabaab joogaan.

Taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27 aad  Ciidanka XDS Col Maxamuud Xasan Ibrahim (Bakay) ayaa sheegay in ciidanka oo hayay xogta gaarigan hubka u sida Al Shabaab ay u suurta gashay in gacanta lagu dhigo,waxa uu bogaadiyay ciidanka howlgalka guleystay fuliyay.

Waxa uu sheegay taliye Baakay, in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka mar kasta diyaar u yihiin kahor taga dhagarta Al Shabaab, waxa uuna ciidamada faray in ay sii xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ,ayaa marar badan gacanta ku dhigay gaadiid la sheegay in bub , saanad iyo alaabooyin kalaba u wadeen kooxda Al Shabaab , waxaana dhacda in maraka qaar gaadiidkaasi la qabto si hoose loo sii daayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacabka Somaliland oo saakay u dareeray Goobaha codbixinta (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Afawerkh oo booqasho taariikhi ah ku tagaya dalka Jabuuti

Caydiid Ali

Jubbaland oo xilalkii ka qaaday Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Gedo (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---