Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Gaalkacyo oo xalay dagaal ka dhacay

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa Saaka deggan, kaddib markii xalay si weyn loo xakameeyay xiisad laga dareemay xaafadaha Garsoor iyo Wadajir, taasi oo salka ku haysay colaadda ka taagan galbeedka Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug oo is kaashanaya ayaa ku guulaystay in ay xakameeyaan xiisaddii xalay laga dareemay Xaafadaha Garsoor iyo Wadajir ee Gaalkacyo, kaddib markii ay dadaal xooggan ku bixiyeen dejinta xaaladda, islamarkaana si wadajir ah ciidamo loo geeyay inta u dhexaysa labada xaafadood.

Xiisadda Gaalkacyo ayaa bilaabatay, kaddib markii xalay dabley hubaysan oo ka soo jeeda dhinaca Puntland ay rasaas huwiyeen xaafadda Wadajir ee dhinaca Galmudug, taasi oo la sheegay in ay salka ku haysay colaad beeleed soo noq-noqotay oo dhawaanahan ka aloosan degaannada galbeedka Gobolka Mudug.

Xakamaynta Xiisaddii laga dareemay Gaalkacyo ayaa muujisay heerka bisaylka Shacabka labada dhinac ee Gaalkacyo oo si aad ah u ilaashanayaan nabadda iyo xasiloonida magaalada iyo sidoo kale dadaalka labada maamul oo si wadajir ah iska kaashanaya nabadda.

 

Related posts

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Mareykanka oo ay xaalad adag ku qabsatay Nairobi

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay sababta uu Farmaajo u hor taagan yahay kiiska Ikraan Tahliil

Caydiid Ali

Wasiirad Al Makhzuumi & Agaasimaheeda oo tacadi xun ku kacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---